|

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia oo cafis u fidiyay 150 maxbuus.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi maxamuud cumar oo kajawaabaya balanqaadkiisii uu kasoojeediyay  salaadii ciidul fidriga ee ahaa in xarunta dhexe ee asluubta loo badali doono masaajid ayaa maanta soo kormeeray xaruntaasi  islamarkaana cafis u fiday in kabadan 150 maxaabiis ah.

Hadaba, madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ayaa maanta cafis ufiday in kabadan 150 maxbuus oo kamid aha maxaabiistii ku harsanayd xarunta dhaqan celinta ee asluubta. Kuwaas oo 109 kamid ah galabta ooda laga qaaday. Iyadoo inta dhimana lasiidayn doono maalmaha fooda inagu soo haya. Sidaasdarteed, siidaynta maxaabiistan ayaa kadhigan in lasiidaayay dhamaan maxaabiistii kujiray jxarunta dhexe ee dhaqan celinta DDSI 98%, meesha 2% ee kadhiman boqolka ay u xidhan yihiin dambiyada kala ah Dil iyo kufsi.

Iskusoo wada duuboo, xarunta dhexe ee dhaqan celinta  ayaa loo badalay masaajid. Iyadoo arinkana ay bulshada deegaanku si wayn usoo dhawaysay. Islamarkaana ugu mahadcelinayso madaxwayanah DDSI mudane Cabdi maxamuud cumar sida uu markasta ufuliyo balanqaadkiisa.

Puntlandi.com

Comments are closed