|

Qaban qaabada Bandhiga caalamiga ah ee buugaagta oo Garowe laga dareemayo.

Garowe (Puntlandi) Bandhiga caalamiga ah ee buugaagta, ayaa sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah lagu qabandoono magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, iyadoo ay iska kaashandoonaan maktabada buugaagta Scansom iyo machadka SIDRA.

Bandhiga sanadkaan oo ku beegan 16-ka bishaan Julay, ayaa waxaa ka qeyb galidoonaa 2,000 oo qof, oo isugu jira, qorayaal, gabayaa, aqoonyahanno, dhiirigaliyaal,Suugaanley, siyaasad dejiyeyaassha iyo marti sharaf ka kala duwan oo ka socota dawladaha deriska iyo daafaha dunida.

Goobta sannadkaan lagu qabandoono ayaa ah hoolka shirarka ee jaamacadda bariga Afrika faraceeda magaalada Garowe, halkaas oo si weyn looga dareemayo qabanqaabada.

Guddiga qaban qaabada bandhigaan ayaa sheegay sanadkaan inuu bandhigu ahaandoono mid xiiso dheeraad ah yeelandoona oo xusuus ku reebidoona ka taariikhda.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login