|

TACSI : – Allaah u naxariiste Gudoomiyihii Ururka Bisha Cas ee Somaaliyeed Dr. Axmed Maxamed Xasan ” Foodcadde” oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi – Kenya

Fragile States: boosting community systems for an effective health response. Side event of the 67th World Health Assembly – 19 May 2014.
Panellists Dr Ahmed Mohamed Hassan, President, Somali Red Crescent Society speaking during the side event co-hosted by the Islamic Republic of Afghanistan, the International HIV / AIDS Alliance (Alliance) and the International Federation of Red Cross and Red Crescent Societies (IFRC).

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN

GEERIDU WAA XAQ

Allaah ha u naxariistee waxaa maanta oo ah Arbaco 11.07.2018 ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya Gudoomiyihii Ururka Bisha Cas ee Somaliyeed Marxuum Dr. Axmed Maxamed Xasan ” Foodcadde” .

Allaah ha u naxariistee Dr.Foodcadde ayaa ahaa Dhakhtar Somaaliyeed oo Takhasus sare, waayo-argnimo dheer iyo wadanimo Allaah ku maneystay, isla markaana mudo ku dhow nus qarni ahaa Gudoomiyaha Ururuka Bisha Cas ee Somaaliyeed, ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadka fara ku tiriska ah ee ummada Somaaliyeed ugu adeegay si hufnaan, islaamnimo iyo Somaalinimo ah mudo aad u dheer oo soo taxneyd ilaa xiligii gobonimada la qaatay ilaa maanta oo uu geeriyooday.

Dhamaan xubnaha Jaaliyada Somaaliyeed ee Danmark iyagoo ka tiiraneysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Dr. Axmed Maxamed Xasan ” Foodcadde” waxay Tacsi u dirayaan Qoyskii, Ehelkii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumku, waxaanuna Allaah uga baryeynaa inuu samir iyo Iimaan ka siiyo, Marxuumkana Eebe Janadii Fardouwsa hoy uga dhigo.

Maamulka iyo Hawlawadeenada Shabakada Warbaahinta ee Puntlandi iyagoo ka tiiraanyeysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Dr. Axmed Maxamed Xasan ” Foodcadde” waxay si gaar ah Tacsi ugu dirayaa walaal Dr.Siciid Axmed Oor geeridaa ku timid Abtigiis Dr.Foodcadde, waxaanuna Ilaahay uga bareyeynaa inuu Samir iyo Iiman ka siiyo.


Boqorada Ingiriiska oo Marxuumka gudoonsineysa Abaalmarino Caalami ah oo uu ku muteystay shaqadii uu ummada u hayey

Comments are closed