|

Maraykanka oo Safiir cusub usoo magacaabey Soomaaliya, waa kuma



Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Safiir cusub u soo diray Soomaaliya.

Donald Yukio Yamamoto ayaa lasoo magacaabay inuu noqdo Safiirka cusub ee Maraykanka u qaabklsan Arimah Soomasliya.

Mr. Yamamoto oo hada ahaa Madaxa waaxda Afiraka u qaabilsan Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka ayaa horay wuxuu usoo noqdey Safiirka Maraykanka ee Itoobiya u qaabilsan, wuxuu kaloo mar Safiir kasoo noqdey Dalka Jabuuti.

Donald Yukio Yamamoto oo hada ah Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya wuxuu fadhigiisu noqon doonaa Adis Ababa iyo Nairobi.

Donald Yukio Yamamoto wuxuu aamin san yahay in ay qalad tahay in Ciidamo shisheeye ay Soomaaliya joogaan mudo dheer, Wuxuu kaloo Siyaasad ahaan kasoo hor jeeday in Ciidamada Itoobiya ay iskasoo galaan Soomaaliya.

Wuxuu kaloo aaminsan yahay in Soomaaliya ay gacmo shisheeya faraha kula jiraan ayna haboontahay in Soomaalida loo daayo iney iyaga oo qura ay danohooda iyo dhulkooda kawada hadlaan ayna xalistaan dhibaatadooda,

Puntlandi.com
Adis ababa

Comments are closed