|

Dagaalkii Sacuudiga iyo Qatar oo gaaray Koobka kubada Cagta Aduunka Rasia 2018


Muran xooogan oo ku saabsan daawashada Ciyaaraha Aduunkaa ayaa dhexyaal Sacuudiga iyo Qatar.

Telefeshinka Al-jeezara oo leh xuquuqda inuu baahiyo Cayaaraha Aduunka ee ka socda Ruushka ayaa ku andocoonaya iney Sacuudigu samewyeen Kanaalo burcad haweed ah oo baahiya Ciyaaraha Aduunka.

Al-jazeera waxay leeyihiin Kanalada la yiraahdo BeIN Sports horayna loo oran jiray Al-jazeera Sports, BeiN Sports waxay iibsadeen xuquuqda iney Ciyaaraha Aduunka ku baahiyaan Bariga dhexe iyo Waqopyiga Afrika, laakiim Sacuudigu Horay ayay u baloog gareeyeen dhamaan Janalaada Al-jazeera.

Kanaal lagu magacaabo beoutQ oo ciyaaraha baahiya ayaa hawada soo galay durba kasoo leh shaqaale u gaara iyo tayo aad uga sareysa kanaalada Ciyaaraha ee Al-jazeera waxayna baahiyaan Ciyaaraha aduunka iyagoon wax lacag ah ka bixin,

Al-jazeera waxay ku andocoonayaan in beoutQ saldhigoodu yahay Sacuudiga,
Sacuudiguna wuxuu ku andocoonayaa in Qatar ay ka dambeeyaan Janaaladaan burcad haweedka ah ayna kusoo wajeheeyeen sacuudiga.

Dhinaca kalena FIFA ayaa ka dacwoonaysa Janaaldaan lagu magacaabo beoutQ ee Ciyaaraha Aduunka u baahinaya sida sharci darada ah.

Janaalada beoutQ waxay Ciyaaraha Aduunka usoo tabiyaan si lamid ah Janaalada Al-lazeera waxay leeyihiin Studio ugaara iyo wariyaal aftahano ah, ilaa hadana lama yaqaan cida iska leh Janaaldaan.

Sacuudigu wuxuu dacwo dheer u gudbiyey FIFA. Waxayna sheegeen in ay marwalba oo la baloog gareeyo ay aaga badalanayaan oo isla markooba aag kale ay hawada kasoo galayaan.
FIFA oo hada warsaxaafedeed soo saaray waxy sheegeen iney barayaan kiiskaan ayna sharciga la tiigsanayaan.

Puntlandi.com

Comments are closed