|

Madaxweyne Gaas oo beri u safraya Yurub



Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa beri u safri doona Magaalada Bruxelles ee Dalka Belgium halkasoo oo ay uga qayb galayaan Shir looga hadlayo Arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo iminka ku sugan Bruxelles ayaa isna shirka uga qaybgalaya Dowlada Federaalka.

Madaxweyne Gaas ayaa lagu wadaa inuu maanta kulan gaara la qaato gudiga Amniga Puntland intuusan Dalka Safrin.

Puntlandi.com
Garowe

Comments are closed