|

(Dhegeyso)WASAARADDA WAXBARASHADA PUNTLAND OO SHAACISAY IMTIXAANKA DUGSIYADA SARE EE PUNTLAND

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa maantay soo bandhigtay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 4-aad ee dugsiyada Sare ee Puntland.

Munaasabada lagu soo bandhigayey natiijada Imtixaanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda waxbarashada Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise,Wasiir kuxigeenka iyo maamulayaasha schoolada sare ee Puntland.

Agaasimaha Imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Axmed Maxamuud Warsame Axmed Saahid oo akhriyey natiijada Imtixaanka ayaa sheegay in wasaaraddu ay guul weyn ka gaartay hanaanka Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise ayaa hambalyo u diray dhamaan ardayda gashay imtixaanka ee qalin jabiyey waxaana uu kula dardaarmay inay waxbarashada sii wadaan.

Halkaan Ka Dhegeyso Codka.

      Agaasimaha waaxda Imtixaanaadka wasaaradda waxbarashada axmed saahid

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed