|

Soomaaliland oo dooneysa in Wadahadal lagu dhamweyo Dagaalka Puntland iyo Soomaalilandl

Wararka ay Puntlandi helayaan ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi uu Dad gaara u xilsaartey iney lasoo hadlaan Puntland.

Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa hada Madaxweyne Muuse Biixi u xilsaaray in uu ka qayb qaato sidii Puntland loola hadli lahaa.

Warar hoose oo Puntlandi helay ayaa sheegaya in Buubaa uu la soo xiriiray Masuuliyiinta Puntland uuna Dalbaday inay kulmaan.

Puntland horey ayay u cadeeyéen Mowqifkooda hadii ay Soomaaliland la hadlayaan waxayna Puntland dhowr jeer ku celceliyeen in Wadahadal imaan karo oo qura hadii Soomaaliland ay Ciidankeeda kala naxdo Guud ahaan Gobolka Sool.

Soomaaliland iyana waxay taagnaayeen, Waxaan soo xiranaynay Xuduudayada oo ah Tukaraq.

Sidaas awgeed ilåa hada lama oga waxa boorsada ugu Jira Mr.Buubaa ee uu doonayo inuu Muuse Biixi uu Puntland ku qanciyo hadiiba ay wadahadal la furayo.

Dhinaca Masuuliyiinta Puntland oo aan wax ka waydiinay Ergda uu Muuse Biixi soo dirsaday,way ka haabsadeen iney wax tafaasiil ah naga siiyaan laakiin waxay noo xqiijiyiin iney ergadu jirto.

Puntlandi.com

Cududaar;- Warbaahinta Puntlandi waxay akhristayaasha ka raali galinaysaa, Maadaama aan maalmahaan Shaqo ka wadney Website-ka waxaa xirnayd guud ahaan qaybta Daabacaada wararka , sidaas awgeed Wariyayaashu ma awoodin iney soo galaan website-ka oo wararka daabaaan. Wali shaqada waan wadnåa laakiin sida ugu dhakhsaha badan ayaan u dhameynaynaa howsha dib u habeyn ee webka aan ku wadno.

Sidaas oo jirta hdana marwalba waad heleysaan wixii warka degdega ah (BREAKING NEWS) oo markaas jira.

Wabilaahi towfiiq

Warbaahinta Puntlandi.com
Garowe

Comments are closed