|

Muqdisho Soomaaliya ma aha “Imtixaanada Dugsiyada sare ee Gobolka banaadir oo loogu yeeray Imtixaamada Soomaaliya oo dhan



Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo mar ka hadlayay waxqabadka Dowlada Federaalka iyo Deeqaha Caalamku ugu deeqo Soomaaliya oo lagu ekeysiiyay Muqdisho oo qura ayaa wuxuu yiri ” Muqdiaho Soomaaliya ma aha , Soomaaliyana Muqdisho ma aha”

Dhanka kale wasaaradaha Federaalka Soomaaliya ayaa waxay u shaqaysaa sida wasaaradaha Maamul Goboleedyada, matalan Wasaarada Waxbarashada Puntland waxay ka shaqaysa waxbarashada Puntland, wasaarada Waxbarashada Soomaaliland waxay ka shaqaysaa Waxbarashada Soomaaliland.

Wasaarada Waxbarashada Dowlada Federaalku waxay ka shaqaysaa Waxbarashada Gobolka Banaadir iyo dhowr Dugsi sare oo ku yaal Cadaado, dhuusa mareeb iyo Jowhar.

Xalay oo arbaco ahayd ayaa Wasaarada Waxbarshada Dowlada Federaalku waxay soo bandhigtey waxay ugu yeereen Natiijada Imtaxaanka Soomaaliya, laakiin xaqiiqdu waxay ahayd oo meesha lagusoo bandhigay Najiijada Imtaaxanada Dugsiyada sare ee ku yaal Magaalada Muqdiaho iyo nawaaxigeeda, Markii u horeysay ma aha oo Muqsisho loogiu yeero Soomaaliya,

Wasiirka Waxbarashada Federaalka Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo saaka xilka laga qaadey ayaa wuxuu khudbad ka jeediyey munaasabada lagusoo bandhigayay Imtixaanada Dugsiyada Sare ee Muqdisho wuxuuna yiri isagoo wasiirkii Waxbarashada markaas ah “Waxaa nasiib wanaag ah inaan idiin soo bandhigno natiijada Imtaxaanada Soomaaliya”

Wasaarada Waxbarshada Soomaaliya waxay heshaa mashaariic fara badan oo lagusoo helay magaca Soomaaliya, Mashaariicdaas masoo dhaafaan Muqdiaho, inkastoo Puntland iyo Soomaaliland ay gaar u helaan Mashaariic yaryar oo ay Beesha Caalamka toos uga helaan kuwasoo ay iyagu soo dhacsadaan laakiin meeyey Dalka intiisii kale.

Waa nasiib daro in Dowlada federaalku ay shaqadeedii iyo awoodeedii isugu geysay oo qura hadal heynta ah “anagaa Soomaaliya matalayna, wixii lasooa helana aysan Muqsisho soo dhaafin”.

Puntlandi.com
Muqdisho

Comments are closed