|

Xaalada guud ee Tukaraq iyo wararka been abuurka ee laga baahiyo deegaanadaas



Deegaanada Tukaraq ee oo iska dagaal suge u muuqda ayaa tan iyo bishii hore iska deganaa wax dgal ahna uu san haba yaraatee uusan ka dhicin.

Waxaa jira warar been abuur ah oo maalmahaan la isla dhex marayay oo sheegaya in dagaal iyo duqaymo ay ka dhaceen degaanka.

Ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka iyo Maleeshiyada Maamulka Soomaaliland labada dhinacba xaaladoodu way degan tahay, Wax dhaqdhaqaaq dagaal u egna ma aysan sameyn bishaan luuliaya.

Ciidamada Puntland waxay ku sugan yihiin meel 7 km koonfur kaga beegan Tukaraq, Tuulada Tukaraq waxaa wali ku sugan Maleeshiyaadka Soomaliland.

Sida aan ka soo xiganay Saraakiisha Ciidanka Puntland, Ciidanku waxay isaga jiraan heegan dagaal.

Puntlandi.com
Garowe

Comments are closed