|

Madaxweyne Farmaajo oo Eritrea u duulay


Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta wuxuu u duulay Dalka Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo ayaa casumaad rasmi ah wuxuu ka helay Madaxweynah Eritrea sida ay sheegtay Wasaarada Arimaha Dibada Eritrea.

Xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa 10kii sanoo u dambeeyey mugdi ku jiray, Waxayna Dowlada Eritrea si dadban u caawin jirtay Ururka Al-shabaab.

Eriterea waxay xurun u ahaan jirtay Ururkii Maxaakiimta ee markii dambe qayb kamida ururkaas ay la bexeen magaca Al-shabaab.

Safarka Madaxweynha iyo casumaada uu ka helay Madaxweynaha Eritrea ayaa kusoo beegmaysa dibka dib mårkii Dowlada Itoobiya ay heshiis rasmi ah la gashay Eritrea.

Puntlandi.com
Muqdisho

You must be logged in to post a comment Login