|

Breaking News– Jabuuti oo ka xumaatay Safarka uu Madaxweyne Farmaajo ku tagay Casmara



Saxaafada Jabuuti ayaa baahisay in Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya uu mindi dhabarka ka galiyey Jabuuti kadib markii uu aqbalay Casumaad uu ka helay Madaxweynaha Eritrea.

Jabuiti waxay ka xuntahay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Xiriir la saxiixdo Dal dhul ka heysta Jabuuti, Waxayna safarka Madaxweynaha ku tilmaameen mid ay ka maqan tahay Dublamaasiyad.

Wali si rasmi ah hadal ugamasoo yeerin Dowlada Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Eritrea iyo Jabiuti waxaa dhex maray Dagaal, Waxayna Eritrea ay qabsatay Dhul ay Jabuuti leedahay, Jasiirada iyo Buurakayda Dumeera ayay Ciidamada Eritrea ka qabsadeen Jabuuti 2008 dii..

2010 kii ayaa Ciidamo nabad ilaalin ah oo kasocda Dalka Qatar lakala dhex dhigay labada Dal laakiin sanadkaan bilowgiisii ayaa Ciidamadii Qatar isaga baxeen Jabuuti kadib markii ay Jabuuti ku biirtay Xulufada Sacuudiga iyo Emaaraatka.
Jabuuti waxay bilo ka hor ku eedaysay Etitrea iney dib ugusoo durkeen dhulka Jabuuti markii ay Ciidamada Qatar ka bexeen.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay Jabuuti ka carootay Xiriirka dhex maray Etitrea iyo Itoobiya. Talaabada Madaxweyne Farmaajo iyana waxay ku noqonaysaa Jabuuti dhabar jab.

Puntlandi.com
Garowe

Comments are closed