|

Sawiro: Kheyre oo Garowe kala kulmey soo dhaweyn uusan waligiis helin

Shacabka Puntland oo caan ku ah marti soor wanaagsan ayaa maanta si diiran waxay usoo dhaweeyeen Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo waftigiisa, Madaxweyne Gaas iyo Masuuliyiinta labada Gole ayaa weheliyey shacabka, Raysal wasaaraha ayaa aad ugu riyaaqay qaabka shareef ee loosoo dhaweeyey wuxuuna madaxda puntland iyo shacabkaba uga mahad celieyey soodhaweynta loo sameeyey.

Raysalwasaaraha oo ay weheliyaan Madaxweynaha Puntland, Madaxweyne Xigeenka Puntland ayaa shacabka Garowe ugu khudbeeyey barxada weyn ee Garowe wuxuuna yiri Raysal wasaare Kheyre ” Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta imaado dhulkii udiga ee Puntlland”.

Raysal wasaare Kheyre ayaa maantabooqan oo lagusoo wareejin doona goobo ku yaal Garowe, kadib wuxuu kulan Madaxtooyada kula qaada ayaa Madaxweyne Gaas.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee labada Masuul kawada hadlayaan waxaa kamida Dhhismaha Ciidan qaran iyo Dastuurk Dalka.

Comments are closed