|

Xog:-Wafdigii IGAD iyo UNSOM ee shalay Garowe yimid oo Puntland iyo Somaliland ka dhexwada Waan waan, Soomaaliland oo codsatay in Puntland laga qabto..


Waxaa shalay oo ahayd sabti Gorawe soo gaaray wafdi ay hogaaminayeen wakiilka gaarka ah eeĀ  IGAD ee arrimaha Soomaaliaya Dr. Mohamed Guyo iyo kuxigeenka UNSOM ee Arrimaha Siyaada Soomaaliya Mr. Raisedon Zenenga.

Sida ay Puntlandi xogta buuxda ku hayaan Wafdigaan wuxuu ukala dabqaadayay Soomaaliland iyo Puntland, waxayna Madaxweyne Gaas kala hadleen sidii xiisada Tukaraq loo qaboojin lahaa iyadoo wadahadal iyo isfaham lagu dhameynayo.

Wafdigu waxay soo jeediyeen qodobo ay Puntland ka biyo diidey qodobadaasoo ka yimid Soomaaliland, waxaana kamid ahaa qodobadaas, in Maleeshiyaadka Soomaaliland ay ka baxaan deegaanka Tukaraq ayna tagaan Gambare, sida aan xogta ku helnay Madaxweyne Cabdiwali cali Gaas wuu kasoo horjeestay soo jeedintaas.

Qodobada kale waxaa ka mid ahaa in mustaqbalka gobolka Sool ay labada dhinac ka wada hadlaan ayna labada dhinac ay gudi u saaraan arintaas.

Qodobka ku saabsan kala qaadista Ciidanka iyo in Soomaaliland ay Maleeshiyaadkooda geeyaan Tuulada Gambare waa arin ka timid dhinaca Soomaalilnd, sida aan xogta ku hayno, Soomaaliland ayaa Beesha Caalamka ka codsadey in lakala dhex galo iyaga iyo Puntland, iyadoo Puntland lagu qancinayo in Maleeshiyaadka soomaaliland ay Ku noqonayaan meelahay horay u joogeen ka hor qabsashadii Tukaraq, taa badalkeeda waxay Soomaaliland codsatay in Puntland laga dhaadhico inay joojiyaan hanjabaada iyo Ciidamada ay kusoo daabulayaan Gobolka Sool.

Wafdigii shalay yimid Puntland waxaa lala kulansiiyey dhamaan Odoyaasha dhaqanka ee ugu sareeya Deegaanada Sool iyo ceyn oo ay kamaqan yihiin laba isin oo qura,waana Isimada ay ka go’do talada deegaankaas.

Kulankii Madaxweynaha, kuxigeenkiisa iyo Odoyaasha Dhaqanka ay la kulmeen Wafdigaas wuxuu aakhirkii kusoo dhamaadeyn isfahan waxayna wafdigu ka duuleen Garowe iyagoo ka dharagsan waxa ay isku haystaan Puntland iyo Soomaaliland, iyo mowqifka Puntland ee xalinta Arimaha Sool iyo Ceyn.

Puntlandi.com
Garowe

Comments are closed