|

Damiir laawe Xildhibaan Dalxa oo shalay lahaa Puntland ha la weeraro oo maanta Garoowe ku sugan iyo Daawo Jawaabtii Xildhibaan Xidig siiyey.


Xildhibaan Dalxa

Hawlwadeenada Warbaahinta Puntlandi ayaa soo werinaaya in Damiir-laawe Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo sannad ka hor xarunta Barkamaanka Somaaliyeed ka dhex lahaa ” Puntland Cidamadeeda waan in hubka laga dhigaa, kadibna la weeraraa “ uu maanta ku sugan yahay Caasimada Dawlada Puntland ee Garoowe, isagoo ku soo dhex dhuuntay wafdiga uu hogaaminaayo Raisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ee booqashada shaqo ku jooga deegaanada Puntland.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada dawlada Federaalka Somaaliyeed,ayaa caan ku ah inuu ka mid yahay Xildhibaanada mooshinada quuta ee laysku adeegsado.

Waxaan shaki ku jirin in gacmo cadaawe oo gudaha iyo dibadba ahi ay ku adeeganayeen markuu lahaa Puntland hubka ha laga dhigo, kadibna ha la weeraro, isagoo og in Puntland dagaal joogta ah mudo aad u dheer ay kula jirto ururada Aragagixisada ee Alshabaab iyo Daacish.

Waxaa nasiib daro ah in xukuumada iyo shacbiga Puntland ay godobtooda si dhakhsaha ku iloobaan, isla markaana soo dhaweeyaan shakhsiyaadka cadowga ku ah nabad iyo deganaashaha Puntland.

Xildhibaan Xidig ” Xildhibaan Dalxa Xaq uma lahan inuu Degaano gaar ah ka hadlo” ogow marka Xidig uu caqli celinaayey Dalxa, Xildhibaanda Puntland Federaalka uga Wakiilka ah nin hadla oo dadkiisa difaaca ayaa laga waayey

You must be logged in to post a comment Login