|

Murashixiinta Madaxweynaha Puntland oo wadajir u cambaareeyey in Raysal Wasaare kheyre uu Diidey ka qaybgalka dhagax dhiga Dekada Garacad

Warsaxaafadeed ay wadajir usoo saareen Murashixiinta Madaxweynaha Puntland ayay ku Cambaareeyeen Raysal wasaare Kheyre inuu si cad u diiday ka qaybgalka Xaflada lagu dhagax shigayo Dekada Garacad. Hood ka akhriso Warsaxaafadeedka

PUNTLAND FOCUS GROUP

Press Release (For Immediate release)

Arbaca, August 1, 2018.

1          Waxaa xusid mudan sidii qiimaha badneyd iyo hab-mamuuskii aan kala harka lahayn ee RW Xassan Kheyre loogu soo dhoweeyey Caasimadda Puntland ee Garoowe iyo magaaladda Qardho, taasoo muujineysay xushmadda reer    Puntland u hayaan dowladnimada Soomaaliyeed iyo madaxda dalka ee heer Qaran, hase yeeshee ay bedelkeedii hungo ku mutaysteen.

  1. 2          Waxay Puntland Focus Group aad iyo aad uga xunyahay in Raysal Wasaare Xassan Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland uu diido ka qayb-galka iyo dhagax-dhigga mashruuca Dekedda Garacad oo ah dadaal reer Puntland si   iskutashi ah u wadeen muddo dheer.

3          Waxay arintani su’aal weyn gelinaysaa xiriirka iyo niyadsamida Dawladda Federaalka, Dawladda Puntland iyo shacabka reer Puntland ka dhexeeya.

4                Waxaan aad uga xunahay niyad xumadda weyn ee ay arintani ku ridey shacabka reer Puntland.

5          Puntland Focus Group waxaa ay aad iyo aad uga xuntahay in Madaxweynaha Dawladda Puntland awoodi waayey, kuna guul daraystay, in uu ku qanciso RW Xassan Khayre in uu dhagax dhigo Dekadda Gara’cad.

6          Waxaan shacabka reer Puntland ugu baaqeynaa midnimo, isku duubni iyo isku  tashi.

Xubnaha Puntland Focus Group:

Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
Saciid Cabdullahi Deni
Dr Maxamed Salaad Qoryooley

Warar dheeraad ah la xiriir.
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)

Af-Hayeenka Puntland Focus Group,

Email: dhollowaa2013@gmail.com
Telka Gacanta: (Australia) +61416547736

You must be logged in to post a comment Login