|

Khilaafka Puntland iyo Dowlada Federaalka oo looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada maxaa kasoo baxay

Waxaa kulan u socdaa golaha wasiirada puntland iyo xubnaha reer puntland ee ku jira xukuumadda federaalka. Qodobada laga doodayo in la hordhigo Khayre waxaa ka mid ah:
1. In kaalmada lagu helay magaca Soomaaliya aan lagu qeybin Habka 4.5 ama saami-Siman
2. In baahiyaha Garoomada caalamiga ah aysan ula sinaan cidna, Gaar ahaan Ardayda deeqaha waxbarashada iyo agabyada Duulimaadyada ama Garoomada
3. In la hirgaliyo Saanada Milateri ee Puntland ku leedahay kaalmada Milateri ee lasiiyo heer Fedetaal
4. 34Milion oo kamid ah deeqaha lacagaha cadaanka ah ee Carabtu bixisay lasiiyo Garacad iyo Wadada Ceerigaabo
5. In dibu eegista Dastuurka kulankiisa u danbeeya lagu qabto Garoowe oo dibu eegistu noqoto mid aysan cidna go’aankeeda laheyn
6. In wada hadalada DF iyo Sland ay xubno kuyaalato Puntland
7. In gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ay noqdaan kuwa lagu xaqiijiyo Shirka wasiiradda in lagu soo duulay.
8. Doorashada 2020ka in aysan noqon nidaamyadii Dad-ban iyo 4.5

You must be logged in to post a comment Login