|

Wafdigii Raysal wasaaraha oo maanta baaqdey una baaqday ka qaybgalka Xaflada 1 Ogoosto

Wafdiga uu hogaaminayo Raysal wasaare Kheyre oo qorshuhu ahaa iney maanta oo jamce ah ku laabtaan Muqdisho ayaa safarkaas ka baaqday.

Xaflada 1 Ogoosto oo horey loogu casumay Raysal wasaaraha ayaa wakhtigeedii ka baaqatay, Waxayna dhacaysaa Caawa.

Sidaas darteed ayay wadigu u baaqday si ay uga qayb galaan Xaflada.

Waxaa la filayaa in Raysal wasaare Kheyre uu khudbad ka jeedin doono Xaflada, Khudbadaasoo dad badan u arkaan inuu Raysal wasaaruhu ug hadli doono Arimo xasaasi ah oo ku aadan Safarkiisa puntland iyo sababta keentey inuu Raysal wasaaruhu uu ka baaqdo munaasabado horey loogu casumay oo ajandaha Safarkiisa Puntland ugu jirtay.

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa isna jeedin doona khudbadiisii Sanadka yasoo uu uga hadli doono Puntland iyo Xaaladahay soo martay iyo Xaslada ay Maanta marayso dhinac Amaan, Dhaqaale iyo Adeegyada Bulshada, wuxuu Madaxweynuhu ka hadlayaa oo kale Arimaha Soomaaliya ee maanta taagan.

Punlandi.com
Garowe

You must be logged in to post a comment Login