|

Akhriso:- Shir ka socoda Diri-dhawa iyo Xisadii Jigjiga Oo meel xun maraysa

Odaayl dhaqamed,  wax garad iyo  Siyaasiyiin, ka soo jeeda dowladd deegaanka Itoobiya aadna u dhaliilsanaa Xukuumadii  uu hogaaminaayay  Cabdi Maxamed  Madaxweynihii  dowladd deegaanka Itoobiya ayaa kushiraya haatan Magaalada Diri-dhawa , waxayna ka wada hadlayaan xaalada kasan ee ka jirta Magaalada Jigjiga.

Waxa ay sheegeen in shirkan uu ku saabsan yahay shirka dib u heshisiinta Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyagoo sheegay in Itoobiya ay ka dhaceen isbadal Balaaran ,balse aysan isbadaladu aysan saamaynin  dhulka dowladd deegaanka Itoobiya, taas oo keentay in shacabku ay gadoodaan.

 

Shirkan ayaa imanaya xili ay  dhawaan Madaxda dowladd deegaanka Itoobiya   iyo  Odayaasha dhaqanka ay gogol nabadeed ufidiyeen  Beelaha dagan halkaasi .

Madaxweynihii dowladd deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamed ayaa haatan kujira gacanta Cidamada Milatariga ee Itoobiya.

Comments are closed