|

Sawirro:- Madaxweynaha dowladda Puntland Oo kulan sagotin ah u sameeyay Ra’iisu-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomalaiya iyo Wafdigii uu hogaaminaayay

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Sagootiyey Ra’iisu-wasaaraha Dowladda
Federaalka ee Soomaliya.*

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa manta
oo tariikhdu tahay 4 August 2018 waxaa uu saagootiyey ra’iisul-wasaraaha
Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Madaxweynaha Dowladda Puntland sagootinta uu u sameeyey ra’iisul-wasaaraha
waxaa ku weheliniyey madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng.
Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyaha Barlamaanka
Dowladda Puntland, qaar ka mid ah golayaasha Dowladda Puntland iyo
saraakiil ka tirsan madaxtooyadda Dowlada Puntland.

Dhinaca kale Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya mudane
Xasan Cali Khayre oo ku sugnaa mudo todobaad ah caasimada Dowlada Puntland
ee Garoowe, ayaa dib ugu laabtay maanta fadhiisinkiisa magaalda Muqdisho.

Ra’iisul-wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya, oo la hadlay warbaahinta
ka hor Intaanu ka anbabixin ayaa shacabka iyo Dowladda Puntland uga
mahadceliyey soo dhoweyntii balaadhneyd ee loo sameyey, wuxuuna ku aamanay
wadashaqaynta ka dhaxaysa shacabka iyo Dowlada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kalmad
kooban ka jeediyey sagootinta Ra’iisul-wasaaraha ayaa waxa uu yiri,

*”Waxaa maanta halkan ku saagotinaynaa Ra’iisul-wasaraha Soomaaliya Xasan
Cali Khayre oo mudo asbuuc ah booqasho ku joogay Puntlnad, meelo badan soo
kormeeray, halkan aan ku qabanay shirkii wadajirka ahaa ee golaha wasiirada
oo runtii aan islee yahay laga dhaxlay waxabadan oo is dhaafsi macluumaad
iyo iska warqabka Dowaladda Federaalka iyo Dowladda Puntland laguna lafa
gurayey wadashaqaynta hay’adaha dowliga ah ee heer gobol iyo heer federaal,
waxaan rajaynaynaa in boqashada Ra’iisul-wasaaruhu ay waxbadan ku so
kordhin donto geedi socodka dowladdnimada iyo nabada Soomaaliya insha
allahu, Ra’iisul-wasaare farxad baan kugu sagootinaynaa, wanaag baan kugu
sagotiyeynaa, insha allah waxaan rajayn boqoshadan inaysan noqon tii ugu
dambaysay ee aad ku timi Puntlnad, waxaan rajaynaynaa inaad marmar badan
noo imaan doontid insha allah, dalkana xaaladiisa si dhow aad ula socon
doontid*, ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed
Cali Gaas”

*DHAMMAAD- *

Comments are closed