|

(Dhagayso) Baarlamaanka Puntland Oo maanta uyeeray Hay,adihii qaabilsanaa dhismaha Mashruuca Wadada iskuxirta Garoowe iyo Gaalkacyo

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo maalmahanba ku guda jiran ajandayaashii udagsanaa xildhibaanada ayaa waxa ay ka doodeen maanta dhismaha mashruuca wada  iskuxirta Garoowe iyo Gaalkacyo .

Xildhibaanada ayaa waxa ay uyeereen oo maanta horyimid Hay,adihii qaabilsanaa mashruucan oo ay kamid ahaayeen Wasaarada howlaha guud, Hay,ada PHA, iyo shrkada dhisaysa ee Isxilqaan .

Wasiirka wasaarada howlaha guud ee Puntland C/raxmaan  Barqadle Warsame ayaa sheegay in mashruucan aysan Wasaaradiisu qusaynin  howshana ay tahay mid utaala Hay,ada wadooyinka Puntland .

Gudoomiyaha  Hay,ada wadooyinka Puntland Injineer C/risaaq  Yuusuf Cilmi ayaa waxa uu dhankiisa ka warbixiyay Dowrkooda ku aadan wadadan iyo caqabadaha haysta isagoo sheegay in wax laga waydiinkaro oo kaliya mudadii uu xilka qabtay oo ahayd Ogtober 2017 kii sanadkii hore  oo ah mudo haatan laga joogo sideed bilood .

Wadadan ayaa dhererkeeda waxaa lagu sheegay in ay gaarayso ilaa iyo 80kmtr  waxaana la sheegay in lacagta ku baxaysa wadadan ay gaarayso  (lixmalyan ,shan iyo tobankun ,iyo sideetan iyo sideed doolar).

Hadaba halkan ka dhagayso Su,aalihii ay xildhibaanada waydiiyeen   Mas,uuliyiintii maanta horyimid

      Baarlamaanka Puntland

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed