|

Breaking News : – Warbaahinta Qomiyada Oromada ee TV QEYROO oo qortay in Wasiirka Warfaafinta Ethiopia Axmed Shide lagu badeli doono M/weyne Cabdi Iley

Warbaahinta TV QEYROO ku hadasha afka Qomiyada Oromada Ethiopia, isla markaana gacansaar la leh Raisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa baahisay warar ay ku shegeen in ilo xog ogaal ah ay ka heleen in Wasiirka Warfaafinta Dawlada Federalka Ethiopia Mudane Axmed Shide lagu badeli doono Madaxweynaha hadda xilka haya ee ismaamulka Somaalida Ethiopia Mudane Cabdi Maxamed Cumar ( Cabdi Iley)

Warbaahinta TV QEYROO ayaa bartooda Facebook ku soo bandhigay masawirka Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Federalka Ethiopia Mudane Axmed Shide, iyagoo ku tilmaamay Wasiirka ugu da’da yar taariikhda goloyaasha Wasiirada soo maray Dawlada Ethiopia, iyagoo ku sifeeyey Wasiirka Aqoonyahan tayo hogaamineed leh.

Iyagoo u rajeeyey inuu wax ka qaban doono iska horimaadada u dhaxeeya Qomiyada Somaalida iyo mida Oromada.

Halkan ka daalaco qoraalka TV QEYROO

You must be logged in to post a comment Login