|

Xasan Cali Kheyre oo magacaabay wasiirro cusub

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa Magacaabay xubno wasiirro ah oo ka mid noqon doona Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta u akhriyay wasiirrada cusub ee uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Magacaabay ayaa kala ah sidan:-

Mudane; Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Mudane; Sheekh Nuur Maxamed Xasan , Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta.

Mudane; Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen, Wasiirka xannaanada Xoolaha.

Mudane; Cabdullaahi Bidhaan Warsame, wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Mudane’ Cabduqaadir Sheekh Cali Baqdaaddi, Wasiiru Dowlaha madaxtooyada.

Mudane; Shawaqar Ibraahim Cabdalla; wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login