|

(Dhagayso):- Gudiga Horumarinta Gobolka Mudug Oo maanta hor tagay Baarlamaanka Puntland

Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Puntland  oo maanta kulan ku yeeshay Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe ayaa waxa Horyimid gudiga horumarinta iyo qaabeenta Gobolka mudug,waxayna xildhibaanada ay gudiga waydiiyeen su,aalo laxiriira Waxyaabihii ay ka qabteen gobolka.

Gudoomiyaha Gudiga horumarinta gobolka mudug  ahna Wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka Puntland C/rashiid Maxamed xirsi oo ka hor hadlay xildhibaanada Baarlamaanka ayaa  ka warbixiyay wax qabadkooda, caqabadihii ka horyimid, iyo talaabooyinka mudan in horay loo qaado.

Waxa uu gudiga sheegay in uu raaligalin ka bixinayaan dhul dowladeed oo ay iibiyeen , iyagoo aan golaha soo marsiin ansixin tiisa  .

Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa madasha ka sheegay in Sideed kamid ah xildhibaanada  Puntland oo ah gudigii loo xilsaaray  ukuur galida Xaalada  dhimaha wadada  gaalkacyo iyo garoowe iskuxirta  Baraalamaanka uu udiray  si ay uga soo warbixiyaan  ,waxayna sheegeen gudigan  in loo baahanyahay in la bad baadiyo wadadaasi .

Hadaba halkan ka dhagayso dooda xildhibaanada iyo su,aalo waydiinta gudig.

      Xildhibaanada iyo gudiga

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login