|

Gaadiid laga soo dhacay Jigjiga Oo lagu qabtay Magaalada Hargaisa

Maamulka Soomalailand ayaa maanta magaalada Hargaisa waxa ay ku soo bandhigeen  gaadiid xamuul ah oo laga soo dhaqay ismaamulka dowladd deegaanka Itoobiya oo ay haatan ka taagantahay xiisada siyaasadeed .

Garawaaridan la soo bandhigay  ayaa gaaraysay ilaa iyo afar gaari oo nooca xamuulka qaada ah .

Ciidamada Boliiska  maamulka  Soomaaliland ayaa sheegay in gaadiidka ay gacanta ku hayaan ,laguna wareejin doono dadkii laga soo dhacay .

Xiisada ka taagan magaalada Jigjiga ayaa sababtay in dhac iyo boob loo gaysto hantida dadweyna iyo mida dowladda .

 

You must be logged in to post a comment Login