|

(Dhagayso ) Wararkii ugu dambeeyay Ee dagaalka ka socda Degmada Tuli-guuleed

Waraka naga soo gaaraya Degmada Tuli-guuleed ee gobolka faafan ,ayaa sheegaya in dagaal culus  uu ka socdo halkaasi  oo udhexeeya Soomaalida iyo  qoomiyada Oromada .

Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaan in ay Oromada ay ku qabsadeen ilaa iyo lix degmo oo  ay horay Soomaalida ugu sugneed .

Dhanka kale magaalada Diridhaba ayaa lagu soo waramayaa in maanta uu ka dhacay iska hor imaad dhexmaray Soomaalida iyo Oromada , waxaana lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa iyo 10 qof oo labada dhinac ah .

Xaalada ayaa lasheegay in ay faraha ka sii baxayso .

Magaalada Jabuuti wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in dhibaato loo gaystay dadka Oromada ah oo ku nool dalkaasi Jabuuti ,waxaana ku dhaawacmay weerarkaasi 2 qof oo qoomiyada Oromada ka tirsan .

 

Dilalka foosha xun iyo dagaalka ay Oromada ku hayso Soomalida dagan dalka Itoobiya, ayaa dhaliyay in dad badan ay ka caroodaan falal kaasi , waxayna Soomaalida ay dhankooda bilaabeen  in  ay dadkooda u aar gudaan.

Halkan ka dhagayso taliyaha ciidanka Booliska dalka Jabuuti C/laahi Cabdi oo ka hadlaya weerarkii dhacay ka dhacay maanta Jabuuti  .

      Taliyaha Ciidamada Booliska Jabuti

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login