|

Sagaal Qof Oo Reer Jabuuti Ah Oo Lagu Dilay Magaalada Diri-dhaba.

Ugu yaraan sagaal qof oo u dhalatay dalka Jabuuti ayaa lagu dilay isku dhacyadii qowmiyadaha ku salaysnaa ee shalay ka dhacay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, sidaasi waxaa qoray qaar kamid ah warbaahinta dalka Jibuuti.

Iskudhacyadan cusub ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa la sheegayaa inay ka dhasheen qalalaasihii Sabtidii ka dhacay magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaasi oo weli xaaladeedu kacsan tahay.

Dhinaca kale, labo ruux oo Oromo ah, ayaa lagu dhaawacay dalka Jibuuti, iyadoo loo maleynayo inuu yahay fal aargoosi ah.

Puntlandi.com

Comments are closed