|

DEG-DEG:- Madaxweynihii dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamed Cumar oo iscasilay iyo madaxweyne cusub oo la magacaabay.

War deg deg ah oo hadda soo gaaray warsidaha Puntlandi ayaa sheegayaa in uu si rasmi ah isku casilay madaxweynihii dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar.

Ciidamada Faderaalka Dalka Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay la wareegeen guud ahaan amaanka Maamulka isla markaana ay xeryooyinkoodii ka soo baxeen una soo baxeen jidadka magaalada Jig Jiga.

Dhinaca kale,  Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Magacaabay Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Deeganka Soomalida itoobiya u magacabay sarkaal lagu magacaabo Axmed Cabdi Maxamed.

Wixii faahfaahin oo dambe kala socda wararkeena soo socda

Comments are closed