|

ONLF oo soo dhawaysay Hogaamiyaha Cusub ee loo doortay DDSI

Afhayeenka ONLF ayaa soo dhaweeyey Madaxweynaha Cusub ee loo doortay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cadaani Hirmooge oo la hadlay saxaafada ayaa sidaas sheegay.

ONLF Waxay shegeen in hogaamiyahaan cusub uu yahay nin da’yar inkastoo uu saaxiib dhow la ahaa Madaxweynihii is casilay uuna Xisbiga talada haya ka tirsanaa hada ma ahayn nin Ka qayb qaatay siyaasadihii deegaanka lagu maamulayay tobankii sano ee lasoo dhaafay.

ONLF waxay kaloo sheegeen in ay ku farax san yihiin in aan Cid dusha looga soo magacaabin deegaanka oo aan Adis ababa lagasoo magacaabin.

Axmed Cabdi Maxamed ayaa loo doortay Madaxweynaha dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ka dib markii uu xilka baneeyay Cabdi Maxamuud Cumar oo in ka badan 10 sano xilka hayay.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login