|

DEG-DEG:- Xaalad degdeg ah oo lagusoo rogay dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia.

Jigjiga (Puntlandi) Wararka nagasoo gaaraya magaalada Jigjiga, ayaa sheegaya in xaalad degdeg ah lagusoo rogay dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, sida lagasoo xigtay wasiir warfaafinta dowlada federalka Itoobiya, Axmed Shide.

Dowladda Ethiopia ayaa mar kale ciidamadeeda milatariga ku daabushay magaalada Jigjiga.

Axmed Shide, ayaa sheegay ciidamadaan lagu daabulay Jigjiga oo ka kala socda ciidamada difaaca iyo kuwa booliiska federalka Ethiopia inay xoojinayaan ammaanka iyo xasiloonida, kadib codsi kaga yimid madaxda dowlad degaanka.

Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida, Axmed Cabdi Maxamed, ayaa maanta lagu wadaa inuu la hadlo shacabka gobolkiisa, isagoo ugu baaqidoona inay isdajiyaan oo ay joojiyaan isku dhacyada ka socda gobolka.

Puntlandi.com

Comments are closed