|

Maleyshiyaad kasoo jeeda xaafada Baraxley oo weeraray garoonka diyaaradaha Gaalkacyo

Maleyshiyaad hubaysan oo kasoo jeeda xaafada Baraxley ee koonfurta Gaalkacyo ayaa weerar kusoo qaaday agagaarka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee Cabdulaahi Yuusuf, iyagoo ujeedoodu ahayd inay dhismayaal sharci darro ah ka sameystaan dhul uu leeyahay garoonka diyaaradaha.

Weerarkaan ayaa waxaa iska caabiyay ciidanka ilaalada garoonka, waxaana is rasaasayn muddo kooban socotay ka dhashay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa falkaan ku dhintay askari kamid ahaa ciidamada ilaalada garoonka, qaar kalena dhaawac ayaa soo gaaray, waxayna maleyshiyadaan markii dambe u fakadeen xaafada Baraxley,

Wixi faahfaahin oo dambe kala soco Puntlandi

You must be logged in to post a comment Login