|

Somaaliyey Ma garbaa Shacbiga Puntlandow kaligaa cidla kuudud


Dawlada Federaalka ah ,Turkey iyo Qatar 431 mashruuc bay ka fuliyeen Muqdisho kaliya, Puntland Zero

Qore : Fahad Jamac Cumar

Xamar ha qurux badnaato maagalin caalami ah ha hesho wax walbana ha qaadato dadkuna ha isugu yimaadeen iyada Turki iyo Qadar na waa saaxiibdateen Xamar na soo dhaafi mayaan, Bosasana cidlo ha ahaato hana laga soo cararo wax maalgalin ahna yaysan helin kaabayaasheeda dhaqaalaha yaan la dhisin ciidamadeeda yaan loo tababarin dadkeeduna xamar marti ha unoqdeen Emaraat na waa cadowgeena wax suurta gal ah maaha madax ka nool dowladu ha ahaatana ma ogolin .

Laakiin waxaa ogolnahay xamar ha shidnaato nabad ha ahaato hana qurux badnaato Boosaasana iyana ha shidnaato hana qurux badnaato nabad na ha ahaato dalkuna federal ha ahaato taladduna mid la wadaago ha ahaato.

Laakin suuragal noqon mayso qadar iyo turki in nalooga dhigo awliyo la inoo soo diray emaraat na la inooga dhigo bahalo, Puntland 20 sano bey jirta danteedana waa taqaanaa.

Soomaaliya oodhami Muqdisho maaha, Muqdishana soomaaliya oo dhan maaha wax badan buu ka fahmi karaa qofkii caqli leh lakin qofkii ku shaqaynaya laab lakac iyo qiiro jabaan waxba ka fahmi maayo.

Comments are closed