|

BREAKING :-NEWS:- Sacuudiga Oo Soceliyay Markab siday 30 kun Oo neef Oo Xoolo ah

Markab siday ilaa iyo ku dhawaad 30 kun oo neef oo  xoolo ah  Soomaalida ah  ayaa Waxaa lagu soo waramayaa in laga soo celiyay dalka Sacuudiga sida uu wararka ku helayo warsidaha Puntlandi.com.

Markabkan ayaa lasheegay in uu ku soo wajahanyahay Dekeda  magaalada Bosaaso.

lama garanayo sababta xoolahan loo sooceliyay, balse Sacuudiga ayaa horay ushegay in xolaha soomaalida ay qabaan cudirka Rifti faali,waxayna ahayd sanad ka hor markii uu  Sacuudiga hakiyay dhoofkii xoolaha  Soomaalida, sababo uu ku sheegay in aysan wanaagsaneen Caafimaadkooda.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili lagu guda jiro waqtigii acmaasha xajka  oo uu Sacuudigu qaadajiray  Xoolaha Soomaaliya laga soo dhoofiyo xiligan oo kale .

Majirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhanka Sacuudiga iyo ganacsatadii xoolahan dhoofsatay .

Wixii ku soo kordha warkan kala soco halkan.

Puntlandi.com Bosaaso.

 

You must be logged in to post a comment Login