|

Akhriso :- Waa sideeh maanta Xaalada Magaalada Jigjiga

Xaalada magaalada Jigjiga ayaa maalintii sadaxaad ah mid dagan, kadib markii Magaalada ay ka dhaceen  qalalaase siyaasadeed.

Magaalada gudaheeda iyo daafaheeda waxaa haatan ku sugan ciidamada milatariga ee dalka Itoobiya kuwaas oo amaanka magaalada sugaya.

Dadbadan oo kacabsi qabay in ay xiisadan ay sii xoogaysato kana barakacay maagalada ayaa haatan waxa ay bilaabeen qaarkood in ay dib ugu soo labtaan magaalada Jigjiga, kadib markii ay ubaxsadeen dhan  xuduudka Soomaaliland uu dowladd Deegaanka Itoobiya uu lawadaago.

Madaxweynihii hore ee dowladd deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar  iyo Saraakiil sar sare oo ka tirsana Ciidamada liyuu Boolis ayaa shalay diyaarad milatari oo laga soo diray magaalada Adis-Ababa waxa au ka qaaday magaalada Jigjiga kadib markii ciidamada milatariga ay udhaceen xarun dowladdeed oo ku sugnaayeen .

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login