|

Wacaal daray ah ” Ciidamo ka tirsanaa Maamulka Hargaisa Oo dhanka Puntland u soo goosta

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Soomalailand oo watay 10 gaari oo nooca dagaalka ah ay u soo Goosteen dhanka dowladda Puntland sida uu Warsidaha Puntland.com Xafiiskiisa magaalada Bosaaso uu u xaqiijiyay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Puntland.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in haatan Saraakiishii howshaasi hogaaminayay  iyo Madaxweynaha dowladda Puntland  C/wali Cali Gaas uu  shir Albaabada uxiran yahay uga socdo Madaxtooyada Garoowe.

Sarkaalkan ma uusan  usheegin  Warsidaha Puntlandi.com  tirada ciidamada soo goosatay , wuxuuna  ku gaabsaday in ay tahay arintan xeelad ciidan.

Maha ciidamadii ugu horeeyay ee ka soo goosta malayshiyaadka uu hogaaminayo  Muuse Biixi Cabdi ee maamulka Hargaisa .

 

Soomaailand ayaa walaac xoogan ka qabta ciidamada faraha badan ee Puntland ay soo dhoobtay  deegaanka Tukaraq  ee gobolka sool, iyadoo baaq udirtay Beesha Caalamka iyo dowladda Fadaraalka Soomalaiya .

Puntlandi.com Bosaaso.

 

 

Comments are closed