|

Xildhibaanad katirsan Baarlamaanka Soomalaiya Oo wax laga xumaado ku tilmaantay Qaraarkii dowladda ay ku taageertay Sacuudiga

Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka  dowladda fadaraalka Soomalaiya ayaa wax laga yaq yaq soodo ku tilmaantay War murtiyeedkii ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee lagu taageeray dalka Sacuudiga oo ah dal kutunta xuquuqda Haweenka  ,kuna dhaqma sharciyo laga soo gudbay casri jaahiligii .

Tageerada ay dowladda Soomaaliya u muujisay Sacuudiga ayaa timid kadib markii uu go,ay cilaaqaadkii udhexeeyay  Riyadh iyo Ottawa .

Xildhibaanadan oo lagu magacaabo Sagal Isaaq Biixi  ayaa barteeda Facebook soo Dhigtay sidan hoos ku xusan.

“Waa wax lagu qoslo oo meel ka dhac ku ah guud ahaan haweenka meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan dumarka Soomaaliyeed. Intii aan u doodi lahayn xuquuqdooda waxa aan dhinac istaageynaa wadan uu ka jiro dhaqanka carsi-jaahiliga, oo haweenka ula dhaqma sidii wax liita oo aan qiimo ku fadhin, waxa aan garaaceynaa durbaanka niyad-jabka” ayey tiri xildhibaan Sagal Isaaq Biixi.

 

Comments are closed