|

Meedadka Laba qof Oo Oromo ah oo laga helay Gudha Magaalada Bosaaso

Isbitaalka wayn ee magaalada Bosaaso oo lagu magacaabo Bandar Qaasim Hospital ayaa maanta waxaa la keenay meedadka labo nin oo Oromo ah , kuwaas oo Meedkooda laga helay bartamaha magaalada Bosaaso.

Wararka uu helay Warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegaya in labadan nin  ay dileen Dadka wax tahriibiya ee ku sugan maagaalada Bosaaso ,waxaana naloo xaqiijiyay in Dadka gaajo iyo haraad ka sokow ay u geeriyoodeen jirdil loo gaystay .

Majirto ilaa iyo hada  wax war ah oo ka soo baxay  Maamulka gobolka Bari iyo laamaha amaanka  .

 

 

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login