|

Madaxweyne Axmed Madoobe oo guulo ka gaaray Wadahadal siinta Siyaasiyiinta Dowlad Deegaanka Soomaaida Itooboya



Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo safaf ku jooga Adis Ababa ayaa ku guuleystay inuu dhex dhexaadiyo Siyaasiyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa wuxuuu la kulmay Mucaaradka Dowlad Deegaanka iyo Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan laba wasiir oo ka tirsan Xukuumada Dowlad Deegaanka.

Waxaa iyana wada xaajoodyada qayb ka ahaa Wasiirada Soomaalida ah ee ku jira Xukuumada Federaalka Itoobiya.

Dhinaca kale Xukuumada Itoobiya ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe ku amaanta wakhtiga uu galiyey ka qayb qaadashada amaanka Itoobiya.

Casho loo sameeyay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Wasiirada Ka tirsan Federaalku waxay Axmed Madoobe uga Maad celiyeen Imaatinkiisa Iyo wakhtigiisa uu galiyey iyo Dadaalka uu u muujiyey Xasilinta Deegaanka, ” Anoo ku hadlaya Magaca Raysal wasaaraha Itoobiya iyo kan xukuumadaba waan kaaga Mahadcelineynaa imaatinkaaga iyo soda aad u muujisay in xal wanaagsan laga gaaro Isbadalka ka socda Itoobiya’ waxaa sdaas yiri Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Axmed Shido.

Puntlandi.com
Adis ababa

Comments are closed