|

BREAKING:-NEWS :- Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo shaqo fariisin ku sameeyay Wasiir ka tirsan Xukuumadiisa

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Somaaliya ayaa maanta war qoraal ah oo ka so baxay xafiiskiisa ayaa waxa uu Shaqadii uga joogiyay Wasiir kuxigeenkii Arrimaha Dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan waxa uu dacwad  ku soo oogay Wasiir kuxigenkan  isagoo sheegay in uu ku kacay fal musuq maasuq ah .

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomalaiya  ayaa sabtidii la soo dhaafay waxa ay Xabsiga dhigeen Wasiirkuxigeenka taas oo  keentay in markii dambe lagu siidaayay Amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha, balse waxaa xariga Wasiirka qaadacday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomalaiya oo Warsaxaafadeed ka soo saartay .

 

 

Dhaknka kal

Comments are closed