|

Xuutiyiinta Yaman Oo sheegtay in 40 Qof Oo dad shacab ah duqayn Diyaaradeed ay ku dileen Isbahaysiga Sacuudiga

Wararka naga soo gaaraya dalka Yaman ayaa sheega in duqayn diyaaradeed ay ka dhacday maanta gobolka sacda ee dalkaasi taas oo gaysatay khasaare naf iyo maalba leh.

Xuutiyiinta dagaalka kula jirta dowladda taagta daran ee ka arimisa qaybo kamid ah Dalka ayaa waxa ay sheegeen in duqayntaasi lala bartilmaameed saday dad shacab ah oo ubadnaa Haween iyo Caruur .

Xuutiyiinta waxa ay sheegeen in ugu yaraan ilaa iyo 40 qof weerarkaasi ay  ku dhinteen .

War ka soobaxay dhanka Isbahaysiga Sacuudiga ayaa sheegaya in ay duqeen cirka ah ay ku bartil maameedsadeen  goobo ay ku sugnaayeen kooxda mucaaradka ah ee dalkaasi Yaman.

 

 

 

Comments are closed