|

Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland Oo Xaqiijisay in uu Bosaaso ku soo wajahan yahay Markab sida ku dhawaad 30 kun Oo Neef Oo Xoolo ah

iyado shalay Warsidaha Puntland.com uu ahaa Warsidihii ugu horeeyay ee daabaca in dalka Sacuudiga laga soo celin doono xoolo gaaraya ilaa iyo ku dhawaad 30 kun oo Neef , kuwaas oo ku  soo wajahan magaalada Bosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland  , ayaa arintaasi waxaa maanta xaqiijisay   Wasaarada xanaanada xoolaha  ee dowladda Puntland .

Wasiirka Wasaarada xanaanada  C/laahi Sheekh Axmed  ayaa sheegay in uu jiro Markabkaasi sida xoolaha la sooceliya ,balse marka ay xaqiiqsadaan sababta dhabta ah ee ka dambaysa arintan ay Saxafada  lawadaagi doonaan.

Arintan ayaa saameen ku yeelan karta dhaqaalaha dalka oo intabadan ku xiran xoolaha nool.

Magalaada Bosaaso waxaa ku yaala ilaa iyo laba Maxjar oo lagu baaro xoolaha inta aysan ka dhoofin  Dekeda Bosaaso .

Sacuudiga ayaa dhawaan waxa uu shaaciyay in si kumeel gaar ah xayiraadii Saarneed xoolaha Soomaalida uu uga qaaday sanadkan, maadaama lagu guda jiro Waqtigii guda shada acmaasha Xajka.

 

Comments are closed