|

Waxgaradka Gobolka Mudug oo xeer -ilaalinta iyo haydaha amaanka Puntland ka dalbaday in masuuliyada dilkii Korneyl Gebi-gebi si rasmi ah wax looga weydiiyo Maamulka iyo Tifatiraha Warbaahinta Garoweonline

Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa maanta si adag u canbareeyey wararka fidno iyo been abuurka aha ee warbaahinta Garoweonline iyo qaar ka mid ah Warbaahinta laysku adeegsado ee Konfurta Somaaliya ay ka qoryaan dilkii Allaah ha u naxariistee Marxuum Korneyl Cabdirashiid Xasan Xaashi (Gebi gebi)

Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa si adag uga dalbaday Wasaarada Cadaalada Puntland, xeerilaalinta Puntland iyo dhamaan hayadaha Aminga Puntland in ay si rasmi ah baaritaan loo geliyo Maamulka iyo Tifatiraha guud ee Warbaahinta Garoweonline,isla markaana wax laga weydiiyo qeybta ay ku leeyihiin masuuliyada Dilka Korneyl Gebi gebi.

Waxgaradka ayaa xusay qoraal ay baahisay Warbaahinta Garoweonline 5.8.2018 kaas oo ay ku shegeen in ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ay ka danbeyeen dilka Marxuum Korneyl Cabdirashiid Xasan Xaashi (Gebi gebi).

Halkan ka akhriso qoraalkii Garoweonline.

Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa u cadeynaaya xukuumada iyo Shacbiga Puntland in qoraalka uu daabacay Warsidaha Garoweonline inuu yahay isku dir iyo fidno abuur laysaga horkeenaayo Shacbiga Puntland, isla markaana uu xanbaarsan yahay dhilo khatar ah iyo dareen xoogan oo horeba tuhunkiisu u jiray,oo ahaa inuu jiro xiriir iyo wadashaqeyn gaamurtay oo u dhaxeysa kooxaha Argagixisada ah iyo xoogag gudaha ah oo la shaqeysta cadowga Shacbiga Puntland.

Sidoo kale Waxgaradka Gobolka Mudug waxay beeniyeen, isla markaan canbaareyeen bayaan gacan ku rimis oo lagu sheegay in lagu kala qaboojinaayo Raasas hoose oo ka tirsan Beesha Cumar Maxamuud, oo Warbaahinta laysu adeegsado ee Konfurta Somaliya ku been abuurteen Isimada iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Puntland oo uu ka mid yahay Dr.Cali Xaaji Warsame

Puntlandi.com
Gaalkacyo

You must be logged in to post a comment Login