|

Raisal Wasaaraha Eithiopia oo si rasmi ah uga tacsiyey dadkii reer Jabuuti ee lagu dilay Diradhaba iyo Madaxweyne Gelleh oo ka mahad naqay

Raisal Wasaaraha Dawlada Federalka Ethiopia Abiy Ahmed Ali ayaa si rasmi ah dawlada Jabuuti uga tacsiyeey muwaadiniintii reer Jabuuti ee Maleeshiyooyinka Qoomiyada Oramada ay ku xasuuqeen Magaalada Diridhaba ee Kilika Somaalida usbuucii hore.

Raisal Wasaaraha ah ayaa falkaa dadka lagu dilay ku tilmaamay midaan ka tarjumeyn dhaqanka Ethiopia, isagoo balanqaaday in kuwii dilkaas geystay cadaalada la horkeeni doon.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gelleh ayaa qoraal uu soo saaray ka gudoomay, isla markaana uga mahad celiyey Raisal Wasaaraha Ethiopia dhambaalkaa tacsida ah ee uu la wadaagay shacbiga Jabuuti.

# Somaalidu iyadu waa looma ooyaan #

Halkan ka daalaco dhanbaalada ay is weydaatsadeen labda hogaamiye.

You must be logged in to post a comment Login