|

Duqayn cirka ah oo lagu laayay caruur Dalka Yemen

Daraasiin Carruur ah oo intooda badan ka yar 15 sanno, ayaa lagu dilay duqayn ka dhacday dalka Yemen, kaasoo ay ka dambeeyeen isbahaysiga Sucuudigu uu hogaamiyo ee dagaalka kula jiro kooxda Xuutiyiinta ee maamulka badi dalkaas.

Duqayntaan oo ka dhacday waqooyiga dalkaas ayaa lala beegtay gaari Bas ah oo ay la socdeen Carruur iskuul, sida lagasoo xigtay Xuutiyiinta maamula wasaaradda caafimaadka dalkaaas.

Dhimashada illaa iyo hadda tira koobka lagu sameeyay ayaa gaaraysa ku dhawaad 30, halka dhaawucuna yahay 48.

Hay’adda laanqayrta Cas ee dalka Yemen, ayaa sheegtay inay heshay 29 kamid ah Maydadka Carruurta duqaynta lagu laayay.

Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa baahiyay sawirro iyo muuqaal muujinaya waxyeelada ka dhalatay duqayntaan.

DAAWO SAWIRRADa.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login