|

(Dhagayso) Madaxweyne kuxigeenka Puntland Injineer Camey” Nabada Qoor qabasho ah oo ay wado Qaramada Midoobay ma noqon doonto mid soo Afjarta colaada Tukaraq

Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Injineer C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa waxa  uu ka hadlay xaalada Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, iyo Wadahadalada la sheegayo in Qaramada midoobay ay ka dhex wadaan labada dhinac.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in Nabad qoor qabasho ah oo ay wadaan Qaramada midoobay aysan waxba ka badalaynin  duulaanka ay ku soo qaadeen Malayshiyaadka Soomaaliland deegaanka Tukaraq , maadaama dhulka ay haystaan uu yahay dhulka Puntland  ayna diideen in ay si Nabad ah ay uga baxaan .

Waxa uu sheegay in Puntland sida ay Nabada udoonayso ay tahay in qof walba uu Deegaankiisa uu isagu xukumo , balse Nabada ay ku dhawaaqeen  Malayshiyaadka Soomaaliland  aysan sii jiri doonin inta ay xooga ku haystaan dhulka Puntland  iyo Waxa ay ugu yeereen  xuduudkii Ingiriis noo jeexay ayaan joognaa  .

Halkan ka dhgayaso.

      Camey

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed