|

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo Weerarkii Yaman

Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay ayaa ku baaqay in baaritaano lagu kalsoonaan karo oo si cadaalad ah loo qaaday lagu sameeyo weerarkii ay ku dhinteen in kabadan 40 Caruur ah oo ka dhacay waqooyiga dalka Yaman Maalinimadii Qamiista ahayd .

Caruurtan ayaa gantaalku uu haleelay xili ay la socdeen Bas ka soo qaaday iskuulkii ay wax ka baran jireen .

kooxda Xuutiyiinta ayaa xaqiijisay dhimashada Caruurtaasi , waxayna  sheegeen in Dhankoda baaritaanka ay ka caawin doonaa Saraakiisha baaraysa dhacdadan.

Xuluufada Sacuudiga oo lagu eedeeyay weerarkan ayaa sheegay in xuutiyiinta ay gabaad ka dhigteen Baska ay la socdeen caruurtaan .

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa oo ka dhaca dalkaasi tan iyo markii ay Xuluufada Sucuudiga ay bilaabeen dagaalka ay kula jiraan kooxda Xuutiyiinta oo intabadan dalkaasi Yaman gacanta ay ugu jirto .

Comments are closed