|

Hoos udhac ku yimid qiimaha lacagta dalka Turkiga Sababtu Maxay tahay Akhriso:-

Maamulayaasha Bangiyada ku yaala dalka Turkiga ayaa shir dag deg ah isgu yimid maanta kadib markii uu hoos udhac wayn uu ku yimid qiimaha lacagta dalkaasi

Mas,uuliyiintan ayaa shaqaalaha Bangiyada la qaadanaya kulan looga arinsanayo arintaasi  waxa sababay .

Maraykanka ayaa sare uqaaday canshuurta laga qaado Birta istiilka iyo Naxaaska uga yimaada dalka Turkiga

24 saac ee la soo dhaafay qiimaha lacagta liiraha  ee dalkaasi Turkiga ayaa waxaa ku yimid hoose udhac wayn .

Xiriirka Turkiga iyo Mareykanka ayaa maalmihii udambeeyay sii xumaanayay kadib Markii  dowladda Turkiga ay xirtay  Baadari ka soo jeeda dalkaasi Mareykanka .

 

You must be logged in to post a comment Login