|

Musharaxiinta Puntland oo ka walaacsan Faragalin doorashada Puntland uga timaada dowladda Fadaraalka Soomalaiya

Qaar kamid ah Musharaxiinta utaagan qabashada xilka madaxtinimo ee Puntland ee 2019 ayaa waxa ay sheegeen in ay ka walaacsanyihiin faragalin ugatimaada dowladda fadaraalka Soomaaliya.

Wasiirkii hore Arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ahna haatan Musharax Madaxweyne ee Puntland 2019 ayaa sheegay in uu jiro faragalin siyaasadeesan oo ay dowladda ka dhex wado gudaha Puntland.

Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa Yiri “Puntland waxay galeysaa doorasho u gaar ah oo masiirkeeda iyo rabitaankeedaba  ku dhisan, waxaan uga digeynaa dowladda Federaalka iyo cid kasta in aysan arrintan faraha la soo gelin”ayuu yiri Juxa.

 Hadalkan ayuu ka sheegay munaasibad uu uga dhawaaqayay in uu yahay Musharax Madaxweyne 2019ka.

You must be logged in to post a comment Login