|

Adeegyada Caafimaad ee Isbitaalka dowladd deeganka Itoobiya oo goobaabsi ah iyo Dhaqaatiirta oo walaac ka mujisay xaalada bukaanada

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee dowladd deegaanka Itoobiya ayaa sheegaya in laga soo deyrinayo Xaalada Isbitaalada magaalada Jigjiga.

Dhaqaatiir katimid magaalada Adis-Ababa ayaa sheegtay in ay sameeyen ilaa iyo kudhawaad 30 qaliin Caafimaad ah ayna  jiraan bukaano kale oo jiifa isbitaalada magaalada .

Dhaqaatiirta ayaa codsanaysa in  dadku ay yimaadaan Isbitaalka dowladdda ,si ay uga faa,iidaystaan adegyadan Caafimaad oo ay bixinayaan.

Dad badan oo ay waxyeelo  ka soo gartay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Jigjiga ayaa ladhigay Isbitalada magaalada qaar iyo kan dowladd deegaanka Itoobiya  , waxayna dhaqaatiirtu sheegeen in ay goobaabsi  tahay daawada taalay Isbitaalka .

 

 

You must be logged in to post a comment Login