|

Taliyihii ciidamada Somaliland ee galbeedka gobolka Sanaag oo goostay.

Sanaag (Puntllandi) Abaanduulihii Ciidanka Somaliland ee Gobolka sanaag Kornayl Gamaal Baaxad ayaa ka goostay Ciidamada maamulla Hargeysa ee Somaliland.

Gaashaanle dhexe Gamaal Maxamed Baaxad, oo kasoo jeeda beesha Habar Yoonis, ayaa la xaqiijiyey inuu ku biiray Jabhadda uu Hogaamiyo Taliye Caarre, oo dhowaan sheegay inuu u dagaalami doono Cadaaladda galbeedka gobolka Sanaag.

Gaashaanle Gamaal ayaa ahaa taliyihii bedalay Korneyl Caarre oo isaguna horey uga goostay ciidanka Somaliland, Kadib markii ay Colaaduhu ka Qarxeen deegaano hoos taga gobolka Sanaag.

Sarkaalkaan iyo sarkaalkii ka horeeyayba oo isku beel kasoo jeeda, ayaa ka gadooday colaada ka taagan degaanka Ceel Afweyne ee gobolka Sanaag, iyagoo sheegay Muuse Biixi iyo beesha Habar jeclo inaysan isku bahaysteen duulaan ka dhan ah beesha Habar Yoonis.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login